Tababarihii hor Ee Chelsea Enzo Maresca ayaa ogolaaday Heshiis uu kula wareegayo tababarenimada Manchester City la dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Sida uu sheegay weriyaha suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Maresca ayaa saxiixi doona heshiis hordhac ah oo saddex sano ah si uu u noqdo tababaraha cusub ee Manchester City laga bilaabo xilli ciyaareedka dambe.
Maresca ayaa heshiis afka ah oo dhammaystiran la gaaray Manchester City si uu xilka uga beddelo tababaraha hadda ee Pep Guardiola.
Tababarihii hore ee Chelsea ayaa loo arkaa musharraxa ugu habboon ee beddeli kara Guardiola, kaas oo la filayo inuu ka tago garoonka Etihad dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Guardiola waxaa u haray laba kulan oo keliya oo uu ku hoggaaminayo Manchester City. Tababaraha reer Spain ayaa caawa kooxda wajihi doona AFC Bournemouth.
Mudadii uu joogay Manchester City, Guardiola wuxuu ku guuleystay koobab badan oo ay ku jiraan Premier League iyo Champions League.
Be the first to comment