Champions League Mise Premier League? Jack Wilshere Oo Doortay Koobka Uu Doonayo In Ay Arsenal Ku Guulaysato.

Xiddigii hore ee Arsenal, Jack Wilshere, ayaa doortay koobka uu jeclaan lahaa inay Arsenal ku guuleysato inta u dhexeysa Premier League-ka Ingiriiska iyo UEFA Champions League.

Arsenal waxaa u harsan kaliya saddex kulan oo ka tirsan Champions League iyo Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Mikel Arteta ayaa ku guuleysan karta labada koob haddii ay badiso saddexda kulan ee u harsan oo ay la ciyaarayaan Burnley, Crystal Palace iyo Paris Saint-Germain labada tartanba.

Laakiin markii la weydiiyay koobka uu doorbidayo in kooxdiisii hore ay qaaddo — EPL ama UCL — Wilshere ayaa yiri, sida ay qortay Metro UK:

“Waa su’aal adag sababtoo ah Arsenal hadda waxay joogtaa meel ay labada koobba ku guuleysan karto”

“Aniga ahaan, waxaan doorbidi lahaa inay ku guuleystaan Premier League-ka, sababtoo ah anigoo ku soo koray dalka Ingiriiska waxaan nolosheyda oo dhan daawanayay Premier League, ku guuleysashadiisuna waa arrin weyn”

“Laakiin sidoo kale Champions League waa koob weyn, balse aniga ahaan waxaan dooran lahaa Premier League-ka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga