Bruno Fernandes Oo Taariikh Ka Sameeyay Premier League.

Bruno Fernandes, oo ah xiddiga Manchester United, ayaa sameeyay taariikh kadib markii uu barbar dhigay rikoodhka caawinta goolasha ugu badan hal xilli ciyaareed oo Premier League ah, isagoo gaaray 20 caawin.

Xiddiga reer Portugal ayaa noqday ciyaaryahankii saddexaad ee gaara tiradan taariikhiga ah, isagoo ku biiray halyeeyga Faransiiska Thierry Henry oo 20 caawin sameeyay xilli ciyaareedkii 2002/2003 isaga oo u ciyaarayay Arsenal, iyo xiddiga Manchester City Kevin De Bruyne oo isna rikoodhkaas gaaray xilli ciyaareedkii 2019/2020.

Bruno Fernandes ayaa ku jira mid ka mid ah xilli ciyaareedyadiisii ugu fiicnaa ee Manchester United, isagoo noqday maskaxda ugu weyn ee kooxda, taas oo ay sabab u tahay aragtidiisa ciyaarta, awooddiisa weyn ee abuurista fursadaha, iyo hoggaamintiisa garoonka dhexdiisa.

Guushan ayaa siinaysa khadka dhexe ee reer Portugal meel gaar ah oo uu kaga jiro halyeeyada sameeya kubbadaha goolasha ee Premier League, gaar ahaan iyadoo xilli ciyaareedku wali socdo islamarkaana uu haysto fursad uu ku jebiyo rikoodhka si uu kaligiis ugu hoggaamiyo taariikhda.

Xiddiga reer Portugal ayaa haysta fursad uu rikoodhkan ku jebiyo wareegga ugu dambeeya ee Premier League, kaasoo Axadda soo socota ay Manchester United la ciyaari doonto Brighton & Hove Albion.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga