Manchester United ayaa gaartay guul xiiso leh oo 3-2 ah kadib markii ay ka adkaatay Nottingham Forest kulan ka tirsanaa wareegga 37-aad ee Premier League, kaasoo ka dhacay garoonka Old Trafford.
Manchester United ayaa dhibcaheeda gaarsiisay 68 dhibcood, iyadoo sii haysatay kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka, halka Nottingham Forest ay ku hartay 43 dhibcood oo ay kaga jirto kaalinta 16-aad.
Kulanka ayaa ku billowday si xooggan kooxda martida loo ahaa, waxaana goolka furitaanka dhaliyay Luke Shaw daqiiqaddii 6-aad ee ciyaarta.
Martida ayaa dib ugu soo laabatay ciyaarta bilowgii qeybta labaad, kadib markii Morato uu barbareeyay natiijada daqiiqaddii 54-aad.
Laakiin Manchester United si degdeg ah ayay uga jawaabtay, iyadoo Matheus Cunha uu dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 56-aad, halka Bryan Mbeumo uu dheereeyay hoggaanka kadib goolkii saddexaad ee daqiiqaddii 76-aad.
Daqiiqadihii ugu dambeeyay, Nottingham Forest waxay isku dayday inay kusoo laabato ciyaarta, waxaana Morgan Gibbs-White uu yareeyay farqiga goolasha daqiiqaddii 78-aad.
Si kastaba ha ahaatee, waqtiga ayaa u saamixi waayay kooxda martida inay hesho goolka barbaraha, waxaana ciyaartu kusoo dhammaatay guul xiiso leh oo ay gaareen Red Devils.
Be the first to comment