“Waxan Sugaynaa Inta Arsenal Dhibco Luminayso”

Khadka dhexe ee Manchester City, Rodri, ayaa qirtay in isaga iyo saaxiibbadiis ay sugayaan in Arsenal ay dhibco lumiyaan tartanka horyaalka Premier League.

Rodri ayaa sheegay inay si degdeg ah uga faa’iidaysan doonaan haddii Gunners-ku ay khalad sameeyaan.

Iyadoo labo kulan ay u harsan yihiin labada kooxood, kooxda Mikel Arteta ayaa laba dhibcood ka sarreysa City.

Arsenal waxay gurigeeda ku martigelin doontaa Burnley, halka City ay u safri doonto Bournemouth salaasada.

Maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka, kooxda Pep Guardiola waxay la ciyaari doontaa Aston Villa garoonkeeda, halka Arsenal ay marti u noqon doonto Crystal Palace.

Rodri ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Wembley:

“Wax walba way dhici karaan, waxa keliya ee aan u baahanahay waa inay [Arsenal] dhibco lumiyaan. Taasi waxay dhici kartaa kulanka xiga ama kan ugu dambeeya”

“Laakiin haddii aan aniga booskaas ku jiri lahaa, ma fududa inaad shaqada dhamaystirto. Waa inaan sii wadnaa cadaadiska ilaa dhamaadka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga