Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay koobka FA Cup-ka kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay Chelsea FC ciyaartii final-ka ahayd ee lagu ciyaaray garoonka caanka ah ee Wembley Stadium.
Goolka kaliya ee ciyaarta waxaa dhaliyay Antoine Semenyo daqiiqaddii 72-aad, kadib baas qurux badan oo uu ka helay Erling Haaland, isagoo kubadda si cajiib ah ciribta ugu taabtay shabaqa, taas oo kooxdiisa siisay hoggaanka ciyaarta.
Inkastoo Chelsea ay isku dayday weerarro badan intii ay ciyaartu socotay, haddana kooxda ma aysan awoodin inay wax gool ah dhaliso, taasoo sababtay in Manchester City loo caleemo saaro horyaalka FA Cup-ka.
Guushan waxay Manchester City u tahay markii siddeedaad ee taariikhdeeda ay ku guuleysato koobka FA Cup-ka.
Be the first to comment