Man City Mise Chelsea? Chris Sutton Oo Saadaaliyay Final-ka FA Cup-ka.

Xiddigii hore ee Chelsea, Chris Sutton, ayaa saadaaliyay final-ka FA Cup-ka ee dhex mari doona Chelsea iyo Manchester City.

Labada koox ayaa ku kulmi doona final-ka FA Cup-ka fiidnimada Sabtida garoonka Wembley Stadium.

Markii uu bixinayay saadaashiisa, Sutton oo wax ku qorayay BBC Sport, wuxuu taageeray kooxda Pep Guardiola inay Chelsea ku garaacdo 5-0.

“Pep wuxuu nasiyay qaar kamid ah ciyaartoydiisa bartamihii toddobaadka markii City ay ka badisay Crystal Palace, sidoo kale wuxuu keydka dhigay Erling Haaland,” ayuu yiri Sutton.

“Haaland wuxuu kusoo laaban doonaa safka Wembley, nasashadaasna faa’iido ayay u noqon doontaa isaga iyo ciyaartoyda kale sida Rayan Cherki.”

“Chelsea xilli ciyaareedkan mararka qaar way fiicneyd, mararka qaarna way liidatay. Haddii ay ciyaaraan mid kamid ah maalmahooda xun, ciyaartu waxay noqon kartaa mid aad ugu xun iyaga. Chelsea 0-5 Man City.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga