Chelsea ayaa kulan la yeeshay ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Spain, Xabi Alonso, iyagoo raadinaya tababare cusub.
Alonso ayaa kamid ah tababarayaasha loo tixgelinayo shaqadaas.
Magacyada kale ee liiska ku jira waxaa kamid ah Andoni Iraola oo tababare u ah Bournemouth iyo Oliver Glasner ee Crystal Palace.
Chelsea waxay doonaysaa inay magacowdo tababare cusub kahor inta aanu bilaaban Koobka Adduunka ee ka dhici doona Waqooyiga Ameerika bisha soo socota.
Khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Fabrizio Romano, ayaa ku qoray X:“Chelsea waxay kulan toos ah la yeesheen Xabi Alonso, waxaana la filayaa go’aanka kama dambaysta ah inuu dhawaan soo baxo”
“Chelsea waxay qorsheynaysaa inay shaaciso tababaraheeda cusub kahor Koobka Adduunka, wada-hadalladuna si xawaare leh ayay u socdaan”
“Chelsea sidoo kale waxay la hadashay Iraola, Glasner iyo Marco Silva oo qayb ka ah liiskooda.”
Be the first to comment