4 Kooxood Oo Premier League Ah Oo U Soo Baxay Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe.

Ugu yaraan afar kooxood oo ka ciyaara Premier League ayaa xaqiijistay inay u soo baxeen UEFA Champions League.

Tani waxay timid kadib markii Aston Villa ay 4-2 ku garaacday Liverpool habeenkii Jimcaha.

Ollie Watkins ayaa dhaliyay laba gool, halka John McGinn uu dhaliyay gool cajiib ah daqiiqadihii dambe, iyadoo kooxda Unai Emery ay si weyn uga awood badnaatay horyaalka difaacanaya.

Natiijadan ayaa Aston Villa gaarsiisay 62 dhibcood, labo dhibcood ayay kaga sarreeyaan Liverpool iyadoo hal kulan uu u harsan yahay.

Waxay hadda ku biireen Arsenal, Manchester City iyo Manchester United oo dhammaantood xaqiijistay boosaskooda wareegga league phase-ka ee Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Arrin xiiso leh ayaa ah in Aston Villa ay wajihi doonto SC Freiburg final-ka UEFA Europa League Arbacada soo socota.

Haddii ay ku guuleystaan kulankaas, kooxda Midlands-ka waxay si toos ah ugu soo bixi lahayd Champions League. Laakiin xaaladdaas, kooxda ku dhamaysata kaalinta lixaad ee Premier League ayaa heli doonta fursadda u soo bixitaanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga