Konaté Oo Xaqiijiyay Inuu Ku Dhawahay In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Liverpool.

Ibrahima Konaté ayaa sheegay inuu “ku dhow yahay heshiis” cusub oo uu la gaaro Liverpool FC, isla markaana ay jirto “fursad weyn” oo uu ku sii joogi doono Anfield xilli ciyaareedka dambe.

Daafaca dhexe ee Faransiiska ah, oo hadda 26 jir ah, qandaraaskiisa hadda jira wuxuu dhacayaa xagaagan, shan sano kadib markii uu kaga soo biiray RB Leipzig lacag dhan £35 milyan.

Isagoo la hadlayay kadib guushii Liverpool ee kulankii Merseyside derby Axaddii, Konaté wuxuu sheegay in mustaqbalkiisa uusan waligiis shaki ku jirin, wuxuuna tilmaamay inuu tan iyo bilowgii wadahadallada u sheegay agaasimaha ciyaaraha Richard Hughes inuusan doonayn inuu ka tago kooxda.

“Waxyaabo badan ayaa la sheegay, laakiin muddo dheer ayaan wadahadal kula jirnay kooxda, waxaana ku dhow nahay heshiis,” ayuu yiri Konaté.

“Waxaan u maleynayaa in qof walba uu jeclaa in arrintan si degdeg ah loo dhammeeyo, balse hadda waxaan ku soconnaa jid wanaagsan.”

Wuxuu intaas ku daray:
“Runtii, fursad weyn ayaa jirta inaan halkan joogo xilli ciyaareedka dambe, Tani waa waxa aan mar walba rabay”

“Waxaan sugayaa in qandaraaska la dhameystiro, laakiin marka wax walba la hagaajiyo, waxaad weydiin doontaan Richard wixii aan u sheegay September iyo November, ka hor inta aysan dadka oo dhan hadlin. Isaguna wuxuu sheegi doonaa wax qof walba aamusiya”

“Markuu jawaabo bixiyo, waad arki doontaan. Taas ayaan rajeynayaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga