Arsenal Mise Man City? kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Hadii Labada Kooxood Wax Walba Isku Mid Ka Noqdaan?

Tartanka horyaalka Premier League ayaa aad u kululaanaya iyadoo la galayo toddobaadyada ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka 2025-26, iyadoo labada kooxood ee Arsenal iyo Manchester City ay haystaan fursad weyn oo ay ku qaadaan koobka.

Laakiin maxaa dhici kara haddii aan la kala saari karin labada kooxood ee waaweyn ee premier League?

Waa xaalad aan hore loo arag. Kooxda Mikel Arteta ee Arsenal ayaa hadda leh faa’iidada iyadoo haysata dhibco ka badan (70) iyo farqiga goolasha (+37). Waqtigan la joogo, Manchester City waxay ka dambeysaa saddex dhibcood iyo hal gool, iyadoo weli haysata hal kulan oo u baaqi ah

Suurtagalnimada aan horay loo arag ee Arsenal iyo Manchester City

Haddii labada kooxood ay ku dhamaystaan xilli ciyaareedka dhibco isku mid ah, waxaa la ogyahay in marka xigta la eego farqiga goolasha.

Waxaa suurtagal ah in Arsenal iyo City ay sidoo kale ku sinaadaan arrintan.

Haddii taasi dhacdo, kooxda dhalisa goolasha ugu badan ayaa qaadi doonta horyaalka. Waqtigan, Manchester City ayaa laba gool ku hogaaminaysa, iyagoo dhaliyay 65 gool halka Arsenal ay leedahay 63.

Arrimuhu waxay sii noqonayaan kuwo adag haddii dhibcaha, farqiga goolasha iyo goolasha la dhaliyay ay dhammaantood sinaadaan.

Markaas waxaa la eegi doonaa natiijooyinka tooska ah ee kulamadii ay labadan kooxood is arkeen.

Kadib barbaro 1-1 ah oo ka dhacday Emirates Stadium horaantii xilli ciyaareedka, haddii kulankii Etihad sidoo kale barbaro ku dhammaan lahaa, xaaladdu waxay noqon lahayd mid aad u adag.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa ku guuleysatay kulankii Etihad Stadium, iyadoo goolkii Erling Haaland ee daqiiqaddii 65aad uu siiyay guul 2-1 ah.

Taas micnaheedu waa haddii horyaalka lagu go’aamin lahaa natiijooyinka tooska ah, Manchester City ayaa noqon lahayd kooxda guuleysanaysa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga