Tababaraha Luis Enrique ee kooxda Paris Saint-Germain ayaa Talaadadii ka jawaabay markii la waydiiyay kooxda uu jeclaan lahaa inay la ciyaaraan, midkood Bayern Munich ama Real Madrid, wareegga semi-finalka UEFA Champions League.
Enrique ayaa arrintan ka hadlay wareysi uu bixiyay kadib markii uu PSG ku hoggaamiyay inay 2-0 kaga adkaato Liverpool lugtii labaad ee wareegga quarter-finalka Champions League habeenkii Talaadada.
PSG ayaa hadda wajihi doonta kooxda guuleysata kulanka u dhexeeya Bayern Munich iyo Real Madrid ee wareegga afar dhammaadka (semi-finalka).
Xusuusin ahaan, Bayern ayaa 2-1 kaga badisay Real Madrid lugtii hore ee quarter-finalka Champions League oo lagu ciyaaray Santiago Bernabeu usbuucii hore.
Labada koox ayaa mar kale isku arki doona habeenka Arbacada lugta labaad ee ka dhici doonta Allianz Arena.
Si kastaba ha ahaatee, markii la waydiiyay kooxda uu jeclaan lahaa PSG inay la ciyaarto, Enrique ayaa yiri:
“Mar kasta oo aan doorbido hal koox, waxaan ku dambeynaa inaan la ciyaarno kooxda kale.
“Waxaan daawan doonaa ciyaarta anigoo jooga Paris, cabbaya biir qabow oo fiican.”
Be the first to comment