Pep Guardiola ayaa aaminsan in Arsenal ay weli tahay kooxda ugu fiican ee tartanka Champions League.
Kooxda Manchester City ayaa ka hartay tartanka Champions League habeenkii Talaadada kadib markii garoonkooda lagu garaacay 2-1 oo ay ka adkaatay Real Madrid, kuwaas oo sidoo kale guul 3-0 ah ka gaaray lugtii hore ee lagu ciyaaray Santiago Bernabeu toddobaadkii hore.
Kooxda uu hoggaamiyo Guardiola hadda waxay haystaan fursad ay ku qaadaan koobkoodii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan dhammaadka toddobaadkan, marka ay la ciyaarayaan Arsenal finalka Carabao Cup-ka ee Wembley.
Kadib markii ay ka hareen Champions League, Guardiola wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay yihiin kooxda ugu cadcad ee ku guuleysan karta finalka Carabao Cup-ka ee Axadda.
Pep Guardiola ayaa yiri kadib guuldarradii Manchester City ka soo gaartay Real Madrid:
“Waxaan wajahaynaa kooxda ugu fiican England, ilaa hadda sidoo kale kooxda ugu fiican Yurub. Fiiri natiijooyinkooda heerka group-ka, waxay galeen kaalinta koowaad, waxaana laga yaabaa inay lumiyeen saddex ama afar kulan oo keliya xilli ciyaareedkan”
“Waa kooxda ugu fiican. Waxaan isku dayi doonaa inaan la tartanno sida aan nahay oo aan si adag ula ciyaarno, waan arki doonaa. Hal ama laba toddobaad kadib ayaan markale kula ciyaari doonaa Premier League, markaas ayaan ogaan doonaa. Kubadda cagtu sidaas ayay tahay.”
Be the first to comment