WARBIXIN: 5 Kooxood Oo Ka Soo Laabtay 3 Gool Iyo Wax Ka Badan Kulamada Bug Baxa Champions League.

Ugu yaraan shan kooxood ayaa taariikhda UEFA Champions League ku sameeyay soo laabasho ah 3 gool ama ka badan kulamada Bug baxa.

Kooxahaas waa:

  • Deportivo La Coruña
  • FC Barcelona
  • AS Roma
  • Liverpool
  • Sporting CP

Sporting CP ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee sidaas sameysa.

Kooxda reer Portugal ayaa Talaadadii ku garaacday Bodø/Glimt 5–0 lugta labaad ee wareegga 16-ka, taasoo u sahashay inay gaarto quarter-finalka.

Waxaa xusid mudan in Sporting ay 3–0 ku soo guuldarreysatay lugtii hore, laakiin ay si cajiib ah u rogtay natiijada.

Sida uu sheegay Opta, soo laabashooyinka kale ee waaweyn waxaa ka mid ah:

  • Deportivo La Coruña vs Milan (2003/04 – 8 dhamaadka )
  • Barcelona vs PSG (2016/17 – Wareega  16)
  • Roma vs Barcelona (2017/18 – Wareega 8 dhamaadka)
  • Liverpool vs Barcelona (2018/19 – Semi-final)
  • Sporting CP vs Bodø/Glimt (wareega 16)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga