Franck Ribéry, xiddigii hore ee Bayern Munich, ayaa sheegay in kooxda Bundesliga ay tahay tan ugu cadcad ku guuleysiga UEFA Champions League xilli-ciyaareedkan.
Ribéry wuxuu hadalkan sheegay ka hor kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka, oo ay Bayern Munich la ciyaari doonto Atalanta Arbacada.
Sida uu sheegay xiddigga reer France, Bayern waa koox aad u xoog badan isla markaana ku jirta qaab ciyaareed fiican.
Wuxuu u sheegay La Gazzetta dello Sport:“Si cad ayaan u oran karaa, haa”
“Bayern ma aha oo kaliya koox aad u xoog badan, laakiin sidoo kale waxay ku jirtaa xaalad aad u wanaagsan”
“Aragtidayda, waa kooxda ugu cadcad inay ku guuleysato Champions League.”
Waxaa xusid mudan in Bayern Munich ay 6–1 ku garaacday Atalanta lugtii hore ee ka dhacday Talyaaniga, taasoo si weyn u xoojisay rajadooda.
Be the first to comment