Steven Gerrard, halyeyga Liverpool, ayaa sheegay in Newcastle United ay tahay kooxda uu jeclaan lahaa inay ku guuleysato Premier League, marka laga reebo Liverpool.
Gerrard ayaa sheegay in Newcastle ay tahay kooxdiisa labaad ee horyaalka Ingiriiska.
Wuxuu arrintan ka sheegay TNT Sports intii uu ku guda jiray booqashadiisa Anfield:“Marka laga reebo Liverpool, haddii aan doonayo koox kale inay horyaalka qaado, waxay noqon lahayd Newcastle”
“Waa kooxdayda labaad ee Premier League. Waligay hore uma oran sidaas, laakiin waa sida ay noloshu tahay.”
Hadda Newcastle United waxay ku jirtaa kaalinta 9-aad, iyadoo leh 42 dhibcood kadib 30 kulan.
Kooxda uu hoggaamiyo Eddie Howe waxay 28 dhibcood ka dambaysaa hoggaamiyaha horyaalka Arsenal.
Be the first to comment