Weeraryahankii hore ee kooxaha Liverpool iyo Man United ee Michael Owen ayaa sheegay in Arsenal ay ku dhowdahay inay ku guuleysato Premier League.
Arsenal ayaa sameysay 9 dhibcood oo hoggaan ah oo ay ka sarreyso Manchester City, kadib markii ay 2–0 ku garaacday Everton.
Saacado kadib, Manchester City ayaa 1–1 barbaro la gashay West Ham United, inkastoo ay weli haystaan hal kulan oo u dhiman.
Owen wuxuu aaminsan yahay in tartanka horyaalka uu ku dhowaad dhammaaday.
Wuxuu u sheegay Premier League Productions:“Waxay ku dhowdahay inay dhammaatay”
“Aan u qaadanno in Manchester City ay ku garaacdo Arsenal kulanka ka dhici doona Etihad Stadium — waa inay sidaas sameeyaan — sidoo kale ay ku guuleystaan kulanka u dhiman, markaas farqiga wuxuu noqonayaa 3 dhibcood”
“Su’aashu waa: Arsenal ma lumin kartaa 3 dhibcood mid ka mid ah kulamadeeda? Haa, way dhici kartaa, sidaas darteed weli si buuxda uma dhammaan.”
“Laakiin Manchester City ma wada guuleysan doontaa dhammaan kulamadeeda? Jawaabtu waa maya. Ma aha kuwo ku filan hadda”
“Sidoo kale ma arko Arsenal oo laga adkaanayo marka ay la ciyaarayaan Manchester City”
Be the first to comment