Dhirbaaxo: Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay Laba Xiddig Oo Seegi Doona Kulanka Leverkusen.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in laba ciyaaryahan oo muhiim ah ay seegi doonaan kulanka ay la ciyaarayaan Bayer Leverkusen ee UEFA Champions League.

Arsenal waxay gurigeeda ku soo dhaweyn doontaa Bayer Leverkusen kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka maalinta Talaadada ee Emirates Stadium.

Kooxda Gunners waxay kulankan soo galayaan kadib markii ay 1–1 barbaro la galeen kooxda Bundesliga toddobaadkii hore kulankii ka dhacay Jarmalka.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii ka hor kulanka, Arteta ayaa sheegay in Jurrien Timber iyo Martin Ødegaard aysan ciyaari doonin kulanka.

Arteta wuxuu yiri:“Jurrien Timber iyo Martin Ødegaard berri ma ciyaari doonaan kulanka Bayer Leverkusen.”

Kulankan ka hor, Arsenal waxay 2–0 kaga adkaatay Everton kulankii Premier League ee dhammaadkii toddobaadka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga