Guardiola: Ma Samayn Qorshe U Gaar Ah Kulanka Real Madrid.

,Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa qirtay inuusan lahayn “qorshe gaar ah” kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka ee UEFA Champions League oo ay la leeyihiin Real Madrid.

Kooxda Guardiola ayaa 3–0 si xun loogu garaacay lugtii hore ee ka dhacday Spain.

Iyadoo Manchester City ay doonayso inay ka soo kabsato farqigaas kulanka soo laabashada, Guardiola wuxuu sheegay in waxa kaliya ee ay sameyn doonaan ay tahay inay isku dayaan inay guuleystaan.

Ka hor kulanka ka dhici doona Etihad Stadium, Guardiola ayaa u sheegay warbaahinta:“Ma haysto qorshe gaar ah oo kulanka Real Madrid ah, marka laga reebo inaan isku dayno”

“Ciyaar gudaheeda waxyaabo badan ayaa dhici kara. Waxa ugu horreeya ee aan sameyn karno waa inaan isku dayno inaan guuleysano”

“Haddii 10 sano kadib aan weli u baahanahay inaan ciyaartoyda u sharaxo waxa ay tahay rumaysad , markaas dhibaato ayaa jirta.”

“Waxaan hubaa inaan isku dayi doono, waana fursad weyn oo aan haysano.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga