Liverpool Oo Dhibco Lama Filaan Ah Ku Lumisay Tottenham.

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa barbaro muhiim ah ka qaadatay martigeliyahooda Liverpool FC, kadib markii ay isku mari waayeen 1–1 kulan ka tirsanaa wareegga 30-aad ee English Premier League, kaas oo lagu ciyaaray garoonka Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 18-aad, markii uu ciyaaryahanka Dominik Szoboszlai dhaliyay gool qurux badan oo uu ka tuuray laad xor ah (free kick) oo bannaanka diilinta ah, taas oo si toos ah ugu dhacday shabaqa kooxda martida ahayd.

Daqiiqaddii 90-aad, kooxda Tottenham ayaa heshay goolka barbaraha, kadib markii Richarlison uu dhaliyay gool uu ka helay kubbad uu u soo dhiibay Randal Kolo Muani gudaha diilinta, ka hor inta uusan si fiican shabaqa ugu ridin.

Barbarahan kadib, Liverpool waxay kor u qaadday dhibcaheeda 49 dhibcood, iyagoo galay kaalinta shanaad, halka Tottenham ay gaartay 30 dhibcood oo ay ku jiraan kaalinta 16-aad ee kala sarreynta horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga