Joe Cole: Mucjiso Ayay Noqon Doontaa Haddii Man City…..

Joe Cole oo hore uga ciyaari jiray xulka qaranka England ayaa sheegay in ay mucjiso noqon doonto haddii Manchester City ay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.

Cole wuxuu arrintan ka sheegay TNT Sports kadib markii Manchester City ay 1–1 la gashay West Ham United habeenkii Sabtida.

Bernardo Silva ayaa City u dhaliyay goolka koowaad si xeelad leh, laakiin Konstantinos Mavropanos ayaa barbaraha keenay qeybta hore isagoo madax xooggan ku dhaliyay.

Natiijadaas waxay ka dhigtay in Manchester City ay 9 dhibcood ka dambeyso hoggaamiyeyaasha Arsenal, inkastoo Arsenal ay ciyaartay hal kulan oo dheeraad ah.

Joe Cole ayaa yiri:“Waxay noqon doontaa mucjiso haddii Manchester City ay horyaalka ku guuleysato, sababtoo ah ma arko Arsenal oo luminaysa dhibco intaas le’eg”

“Barbaraha ay ka galeen UEFA Champions League sidoo kale wuxuu u furay waddo fiican oo ay ku gaari karaan finalka, waxaana kulamadaas aysan noqon doonin kuwo maskax ahaan aad u daaliya”

“Hadda wax walba waxay ku jiraan gacanta Arsenal.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga