Guardiola: Wan hambalyeyn Doonaa Arsenal Marka…..

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ku adkaystay in tartanka horyaalka Premier League “uusan weli dhammaan”, inkastoo kooxdiisu 1–1 la gashay West Ham United Sabtidii.

Ka hor kulanka ka dhacay London Stadium, Guardiola wuxuu sheegay in kooxdiisu ka bixi doonto tartanka horyaalka haddii aysan helin dhammaan saddexda dhibcood.

Bernardo Silva ayaa Manchester City u dhaliyay goolka koowaad kadib dhammeystir xeelad leh, laakiin West Ham ayaa barbaraha keenay ka hor nasashada, iyadoo Konstantinos Mavropanos uu madax xooggan ku dhaliyay goolka.

Natiijadan waxay ka dhigtay in kooxda Guardiola ay 9 dhibcood ka dambeyso Arsenal, kuwaas oo isla maalintaas 2–0 ku garaacay Everton.

Guardiola ayaa yiri:“Weli ma dhammaan tartanku, sababtoo ah ma aanan lumin ciyaarta”

“Waxaan leenahay hal kulan oo noo dhiman, sidoo kale waxaan gurigeena kula ciyaari doonaa Arsenal, sidaas darteed waa inaan isku daynaa ilaa dhammaadka”


“Marka haddii ay noqoto wax aan macquul ahayn, waxaan hambalyeyn doonnaa horyaalka, laakiin waa inaan isku daynaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga