Bruno Fernandes Oo Laba Shardi Ku Xidhay Man United Si Uu U Sii Joogo Kooxda.

Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa siiyay kooxda laba shuruudood si uu uga sii ciyaaro wixii ka dambeeya xagaagan.

Sanadkii hore, Fernandes si weyn ayaa loola xiriiriyay inuu u wareegayo Saudi Arabia, iyadoo la sheegay in United ay diiday dalab gaaraya £100 milyan.

Si kastaba, khadka dhexe ee Portugal ayaa hadda ka fikiraya mustaqbalkiisa garoonka Old Trafford maadaama uu ku sii dhawaanayo da’da 32 sano.

United ayaa diyaar u ah inay u bandhigto heshiis cusub oo mushahar ahaan gaaraya £400,000 toddobaadkii, balse Fernandes wuxuu daneynayaa arrimo kale.

Shuruudda koowaad ayaa ah in Red Devils ay ka ciyaaraan tartamada Yurub, sida uu sheegay Daily Mirror.

Kooxda ayaa hadda ku jirta kaalinta saddexaad iyagoo leh 51 dhibcood.

Sidoo kale, Fernandes wuxuu doonayaa in kooxda ay si joogto ah u magacowdo Michael Carrick tababare rasmi ah, kaddib marka uu dhammaado heshiiskiisa ku-meel-gaarka ah bisha June.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga