Wolves Oo Garaacday Liverpool.

Kooxda Wolverhampton Wanderers F.C.** ayaa guul xiiso leh ka gaartay Liverpool F.C. kaddib markii ay 2-1 kaga adkaadeen wareegga 29-aad ee Premier League, kulan ka dhacay garoonka Molineux Stadium.

Kooxda Wolverhampton ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay markii Rodrigo Gomez uu dhaliyay gool, kaddib kubbad dheer oo gaartay Arokodar, kaasoo u sii baasay Rodrigo, isaguna si xirfad leh shabaqa ugu hubsaday kubadda.

Daqiiqaddii 83-aad, Liverpool ayaa dhalisay goolka barbaraha waxaana u saxiixay Mohamed Salah, kaasoo kubadda qaatay, gudaha xerada ganaaxa galay, islamarkaana si qurux badan ugu toogtay shabaqa.

Wolverhampton ayaa heshay goolka guusha daqiiqaddii 90+3, kaddib markii André Neto uu kubad ka toogtay bannaanka xerada ganaaxa, taasoo ku dhacday Joe Gomez kana weecisay goolhayaha Alisson Becker.

Liverpool ayaa ku haray 48 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta shanaad ee kala sarreynta, halka Wolverhampton ay kor u qaadday dhibcaheeda oo gaaray 16 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta 20-aad oo ah tan ugu dambeysa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga