Real Madrid Oo Shaacisay Dhaawac Halis Ah Oo Soo Gaadhay Xiddig Kooxda Ah.

Kooxda Isbaanishka ee Real Madrid ayaa fiidnimadii caawa bayaan rasmi ah ku shaacisay nooca dhaawaca soo gaaray xiddiga reer Brazil Rodrygo Goes, kaasoo ku dhaawacmay kulankii ay guuldarada kala kulmeen  Getafe horyaalka La Liga shalay.

Kooxdu waxay bayaankeeda ku tiri:

“Kadib baaritaanno maanta lagu sameeyay ciyaaryahankeena Rodrygo oo ay sameeyeen adeegyada caafimaadka ee Real Madrid, waxaa lagu ogaaday inuu qabo jeex (tear) ku yimid seedda hore ee jilibka  iyo sidoo kale jeex ku yimid seedda dhinaca ee lugtiisa midig.”

Sida ay sheegeen warbaahinno badan, gaar ahaan wargeyska Isbaanishka ee Marca, xiddiga reer Brazil ayaa ka maqnaan doona safka Real Madrid muddo u dhaxaysa 6 ilaa 7 bilood.

Dhaawacan wuxuu ka dhigan yahay in xilli ciyaareedka uu u soo dhammaaday ciyaaryahanka, sidoo kalena uu seegi doono Koobka Adduunka 2026 ee uu la ciyaari lahaa Brazil, iyadoo la filayo inuu kusoo laabto bilowga xilli ciyaareedka xiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga