Kooxda Barcelona Oo Real Madrid Kala Wareegtay Hogaanka Premier League.

Kooxda Barcelona ayaa hogaanka horyaalka La Liga kala wareegtay Real Madrid kadib markii ay ka badisay kooxda Levante.

Real Madrid ayaa Sabtidii dhibco lama filaan ah ku lumisay kooxda Osasuna kulan looga badiyay 2/1 kulan ka tirsanaa horyaalka.

Kooxda Barcelona ayaa haatan leh 61 dhibcood iyada oo hal dhibic oo cadaan ah iyada oo isha ku haysa in ay sii haysato hogaanka.

Guusha Barcelona ka gaadhay Levante ayaa la macno ah in ay Kooxda Flick gaadhay guushii 20-aad ee horyaalka iyada oo ciyaartay 25 kulan.

Dhinaca kale kooxda Real Madrid ayaa badisay 19 kulan 25 kulan oo ay ciyaartay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga