Ma Liverpool Ayuu Sugayaa? Xabi Alonso Oo Iska Diiday Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah.

Xabi Alonso ayaa la sheegay inuu diiday dalab uga yimid Marseille, xilli ay wararka ku saabsan suurtagalnimada inuu ku laabto Liverpool ay sii xoogeysanayaan.

Alonso, oo 44 jir ah, ayaa shaqada laga ceyriyay Real Madrid bishii Janaayo, kaddib toddobo bilood oo keliya tan iyo markii uu ka tagay Bayer Leverkusen.

Diidmada uu ka diiday Marseille ayaa sii hurisay hadal-heynta ku saabsan mustaqbalkiisa, gaar ahaan iyadoo taageerayaasha Liverpool ay xiiseynayaan suurtagalnimada inuu mar kale ku soo laabto Anfield, markan isagoo tababare ah.

Guuldarradii ay Real Madrid kala kulmeen kooxda xafiiltamaan ee Barcelona final-ka Spanish Super Cup ayaa noqotay mid si weyn u dedejisay bixitaanka Xabi Alonso.

Si kastaba ha ahaatee, warar ayaa sheegaya in arrimo ka jiray gudaha kooxda ay door weyn ka ciyaareen go’aanka lagu eryay tababaraha reer Spain.

Waxaa la soo wariyay in dhowr ciyaaryahan oo waaweyn ay dareemeen in la ixtiraam la’aan loola dhaqmay, isla markaana ay ku qanacsaneyn falsafaddiisa ciyaareed.

Arrimahaas gudaha ah ayaa la sheegay inay sii xumeeyeen xaaladda, taasoo ugu dambeyn sababtay in maamulka Real Madrid go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa.

Sida ay warisay warbaahinta Faransiiska ee RMC Sport, Xabi Alonso ayaa si degdeg ah u diiday dalabkii uga yimid Marseille.

Warbixintu waxay sheegtay in tababaraha hore uu ka welwelsanaa in kooxda Ligue 1 ay tahay mid “aad u jahawareersan taasoo ka dhigtay inuusan xiisaynayn inuu xilka qabto.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga