Ciyaaryahankii hore ee Premier League iyo tababare, Alan Pardew, ayaa amaanay Mikel Arteta kadib guushii 4-0 ee ay Arsenal ka gaartay Wigan ee FA Cup, isaga oo sheegay in Arteta uu kooxda ku ilaaliyay diiradda afarta tartan ee ay ku jiraan.
Si kastaba ha ahaatee, wali ma uusan bedelin aragtidiisii ahayd in Arsenal aysan ka adkaan karin Liverpool si ay u hanato Champions League.
Arsenal ayaa wali ku jirta tartanka champions League iyada oo sugaysa kooxda ay la ciyaari doonto wareega xiga ee tartanka.
Markii ay kaalinta koowaad ku soo baxeen, Gunners-ku waxay la ciyaari doonaan mid ka mid ah Borussia Dortmund, Olympiakos, Atalanta, ama Bayer Leverkusen wareegga 16-ka.
Markii la weydiiyay fursadda Arsenal ee hanashada tartanka Yurub ugu weyn, Pardew — oo hore u soo maamulay Crystal Palace iyo Newcastle — ayaa u sheegay talkSPORT:
“Wali waxaan ku taaganahay aragtideyda ah in Liverpool ay ku guuleysan doonto Champions League, sidaan ku sheegay barnaamijkan toddobaadyo ka hor.
“Sababtu waa in kooxda Liverpool ay ka buuxaan ciyaartoy waaweyn oo si dhab ah u doonaya inay ku guuleystaan Champions League”
“Waxay kor u qaadaysaa sumcaddooda waxayna fududeyneysaa wadaxaajoodyada qandaraaska, sidaas darteed Liverpool si buuxda ayay ugu heellan yihiin Champions League.”
Be the first to comment