Man City Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Leverkusen.

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa ka yaabsatay adduunka kadib markii ay Man City ku dhex garaacday garoonkeeda Etihad.

Kulanka ayaa ahaa mid ka tirsanaa wareega horyaalka ee champions League.

Kooxda Leverkusen ayaa daqiiqadii 23-aad Man City ka dhalisay gool waxana ka dhaliyay xiddiga Alejandro Girmaldo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Man City ayaa samaysay fursado badan oo ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka bar-baraha.

Qaybtii dambe daqiiqadii 54-aad ayuu xiddiga Patrik Schick ka dhaliyay Man City goolka 2-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City guuldaro lama filaan ah kala kulantay Leverkusen.

Kadib guuldarada kooxda Man City ayaa hoos ugu dhaadhacday kaalinta 6-aad ee kala saraynta halka ay Leverkusen soo gashay kaalinta 13-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga