Frank Leboeuf ayaa taageeray Chelsea inay ka faa’iidaysato khadka danbe ee Barcelona ee uu ku tilmaamay “waali” isla markaana ay ku gaaraan guul weyn oo Champions League ah.
Kooxda horyaalka La Liga ee Barca ayaa salaasa habeen ka soo socda Stamford Bridge, iyagoo doonaya inay xoojiyaan rajadooda u gudbista tooska ah ee wareegga xiga ee Champions League.
Barcelona – oo haatan kaalinta labaad kaga jirta La Liga, hal dhibic ka dambaysa Real Madrid – ayaa 11-aad kaga jirta marxaladda kooxaha ee Champions League, iyagoo dhibcaha la wadaagaya Chelsea oo ku jirta booska 12-aad.
Maadaama sideeda koox ee ugu sarreeya ay si toos ah u gudbayaan wareegga xiga iyagoo ka fogaanaya ciyaaraha play-off-ka, labadaba Barca iyo Chelsea waxay doonayaan in kor u fuulaan salaanka kala saraynta.
Kooxda Hansi Flick ayaa gaadhay meel aad u dhow inay gaadhaan finalka Champions League xilli-ciyaareedkii hore, iyagoo laba gool oo daahay ku waayay semi-final xiiso badan oo ay guuldarro kaga soo gaadhay Inter Milan oo markii dambe noqotay kooxdii kaalinta labaad gashay.
Barcelona waxa ay ka mid ahaayeen kooxaha ugu xiisaha badan Yurub xilli-ciyaareedkii hore, balse Leboeuf ayaa aaminsan in kooxdan reer Spain ay sanadkan ka ‘jilicsan’ yihiin, isla markaana uu su’aal geliyay go’aanada tababaraha.
Chelsea xitaa kama aysan qeybgalin Champions League-kii xilli ciyaareedkii hore – waxay ku guuleysteen Conference League oo aad uga hooseysa – balse Leboeuf wuxuu leeyahay weeraryahannadooda firfircoon waxay dili karaan Barcelona.
Markii laga codsaday inuu saadaaliyo kulanka Yurub ee soo socda, Leboeuf wuxuu u sheegay OLBG: “Haddii aan noqdo mid wanaagsan, 2-1 ayaan u saadaalinayaa Chelsea”
“Waxaan arkaa Barcelona oo ciyaareysa khad difaac oo sare ah, taasina waa waalli. Runtii, ma fahmayo Hansi Flick iyo sida uu u ciyaaro.”
“Alejandro Garnacho, Pedro Neto, Joao Pedro — waa ciyaaryahanno aad u dheereeya. Waxay la mid yihiin Paris Saint-Germain, way dilayaan kooxda Barcelona Sababtoo ah sidan looma ciyaaro, waa wax aan suurtogal ahayn.”
Be the first to comment