Halyeeyga Chelsea John Terry ayaa rumeysan in kaliya hal koox ay awood u leedahay inay Arsenal kula tartanto hanashada Premier League xilli ciyaareedkan.
Gunners-ku waxay lix dhibcood hoggaanka ku sii kordhiyeen ka dib markii ay 4-1 ku durduuriyeen kooxda ay xafiiltamaan ee Tottenham kulan ka dhacay Emirates Axadii.
Kooxda Mikel Arteta ayaa labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay ku dhammaatay kaalinta labaad, balse hadda waxay u muuqdaan kuwo si buuxda ugu jira fursad ay ugu dambayntii ku qaadi karaan horyaalka oo muddo dheer ka maqnaa.
Liverpool oo difaacaneysa horyaalka waxay u muuqataa koox ka fog tartanka, iyadoo guuldarro 3-0 ah kala kulantay Nottingham Forest Kulan ka dhacay Anfield.
Manchester City-na rajadoodii hanashada horyaalka ayaa dhaawac soo gaadhay kaddib markii kooxda Pep Guardiola ay guul-darro aan ku habboonayn 2-1 kala kulantay Newcastle ay marti u ahaayeen.
Iyadoo City iyo Liverpool ay ka dambeeyaan 7 iyo 11 dhibcood siday u kala horreeyaan, waxaa dhab ahaantii Chelsea ayaa ah kooxda ku xigta Arsenal iyaga oo 6 dhibcood ka dambeeya Gunners.
Terry wuxuu aaminsan yahay in kooxdiisii hore ay u muuqato kooxda kaliya ee waqtigan ku awood leh inay Arsenal kula tartanto horyaalka.
‘Ciyaar weyn ayaa nagu soo fool leh dhammaadka usbuuca maadaama Arsenal ay imanayso garoonka Bridge, waana ciyaar aad u weyn,’ ayuu Terry ku yiri muuqaal uu soo dhigay TikTok.
“Ma oranayo inay noqon doonto ciyaarta go’aamisa horyaalka, balse waxaan u malaynayaa in mid ka mid ah labada kooxood ay hanan doonto horyaalka”
” Aniga ahaan, Liverpool boqolkiiba 100 waa ka baxeen tartanka horyaalka. Liverpool waxay u ekaanayaan kuwo si dhab ah u dhibtoonaya waqtigan”
Be the first to comment