Shearer Oo Magacaabay Kooxda U Badan In Ay Arsenal Kula Tartanto Premier League.

Weeraryahankii hore ee England, Alan Shearer, ayaa sheegay in Manchester City ay “u badan tahay” inay Arsenal kula tartanto horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.

Todobaadkan waxa ay Man City guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Newcastle United maalintii ka horreysay markii Arsenal 4-1 ku garaacday Tottenham.

Natiijooyinkaas waxay ka dhigan yihiin in Gunners ay toddobo dhibcood ka sarreeyaan kooxda Pep Guardiola.

Arsenal, si kastaba ha ahaatee, waxay lix dhibcood ka sarreeyaan Chelsea, oo ay toddobaadka dambe la ciyaarayaan.

Markii la waydiiyay kooxda ay tahay in kooxda Mikel Arteta ay ka walwalaan, Shearer wuxuu ku yiri podcast-ka The Rest Is Football: “Weli waxaan dhihi lahaa City.

“Waxaan horay u aragnay City oo ka dambeeya Kirismaska sida ay u soo kabsanayaan, way la qabsadeen xaaladdaas, wayna samayn karaan, waan ognahay.

“Waan ogahay inay xaaladdu hadda ka duwan tahay oo difaaca aysan u fiicnayn sidii ay hore u ahaayeen”.

“Sababta oo ah in ay halkaas horay u joogeen iyo waliba ay garanayaan waxa ay samayn karaan waxa aan wali odhan karaa man City”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga