Man United Oo Heshay War Dhaawac Ka Hor Kulanka Everton.

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa laga yaabaa inuusan heli doonin Matheus Cunha kulanka Premier League ee Isniinta ay la ciyaarayaan Everton.

ESPN ayaa werineysa in Cunha uu  ku dhaawacmay  tababarka.

Laacibka reer Brazil ah ayaa la sheegay inuu dhaawac ka Soo gaadhay intii lagu jiray  tababarkii Sabtidii dhacay.

Amorim ayaa rajaynaya in aanu Cunha maqnaan maadama haatan kooxda ka maqan yahay xiddiga Sesko.

Tan iyo markii uu ku Soo biiray kooxda Cunha ayaa dhaliyay Hal gool 11 Kulan oo uu Ciyaaray.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga