Waa Sidee Kala Saraynta Premier League Kadib Guushii Arsenal Ee Tottenham.

Arsenal ayaa furtay hoggaan lix dhibcood ah oo ay kaga sarreyso horyaalka Premier League kadib markii ay Axaddii 4-1 ku garaaceen Tottenham Hotspur.

Kooxda Gunners ayaa soo gashay kulankii North London Derby iyaga oo og in labadii koox ee Manchester City iyo Liverpool ay dhibco lumiyeen.

Man City ayaa guuldaro kala kulantay Newcastle Halka ay Liverpool guuldaro kala kulmeen kooxda Nottingham Forest.

Arsenal hadda waxay haystaan 29 dhibcood iyaga oo 6 dhibcood ka horeeya Kooxda Ugu Soo dhaw ee Chelsea.

Arsenal ayaa 7 dhibcood ka horeeya Kooxda Man City kuwaas oo Ku Jira kaalinta 3-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga