Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa digniin u diray kooxaha kale, isaga oo sheegay inay diyaar u yihiin inay ku tartamaan dhammaan afarta tartan xilli-ciyaareedkan.
City weli way ku jiraan Carabao Cup, Champions League iyo Premier League.
wiilsha Guardiola ayaa sidoo kale bisha Januart ku biiri doona FA Cup-ka wareegiisa saddexaad.
Man City ayaa xilli-ciyaareedkii hore dhibaato kala kulantay dhaawacyo, taas oo ku adkaysay inay si fiican u ciyaaraan.
“Haddii aan sii hayno koox caafimaad qabta, waxaan tartan adag ku jiri doonnaa ciyaar kasta iyo tartan kasta,” ayuu Guardiola u sheegay wariyeyaasha Jimcaha.
“Shaki kama qabo taas. Xilli-ciyaareedkii hore xitaa hal tartan kama aanan qeyb-geli karinin si buuxda.”
Be the first to comment