Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karto Burnley.

Cole Palmer ma ciyaari doono kulanka ay Chelsea kooxda Burnley sababo la xiriira shil kedis ah oo gurigiisa ku dhacay.

Xiddiga Khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ku dhowaa inuu kasoo kabsado dhaawac muruqa ah oo uu u maqnaa laba bilood laakiin waxa uu seegayaa 3-da kulan ee soo socota sabab la xidhiidha jab ka soo gaadhay suulka kadib markii uu isku xidhay albaabka baabuurkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea waxay heshay war farxad leh oo ku saabsan 3 ciyaartoy ka hor kulanka ay la ciyaarayaan Burnley, iyadoo macallin Enzo Maresca uu xaqiijiyay in Enzo Fernandez, Pedro Neto iyo Benoit Badiashile ay dhammaantood diyaar yihiin.

Fernandez iyo Neto labaduba kama qaybgelin waajibaadkoodii caalamiga ahaa bishan — Argentina iyo Portugal — balse waxay hadda ka soo kabsadeen dhaawacyadii jilbaha iyo gumaarka, waxaana ay diyaar u yihiin tartanka.

Chelsea waxa ka maqnaan doona Ciyaartoyda muddada dheer dhaawaca uga maqan kooxda: Palmer, Dario Essugo, Romeo Lavia iyo Levi Colwill.

Halkan Kaga Bogo shaxda ay chelsea Kaga Hor Iman Karto Burnley:

Sanchez; James, Fofana, Chalobah, Cucurella; Gusto, Santos; Neto, Fernandez, Garnacho; Joao Pedro

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga