WARBIXIN: 3 Xiddig Oo Arsenal Ka Tagi Kara Suuqa January.

Ugu yaraan saddex ciyaaryahan oo heer sare ah ayaa la filayaa inay ka tagaan Arsenal marka suuqa kala-iibsiga dib u furmo bisha January.

Daily Mail ayaa warinaysa in Gunners ay diyaar u yihiin inay dhageystaan dalabyada ku saabsan saddex ka mid ah ciyaartoyda uu Mikel Arteta hayo.

Arsenal ayaa ku qarashgareysay in ka badan £250m siddeed ciyaaryahan oo cusub suuqa xagaagii lasoo dhaafay, kuwaas oo ay ku jiraan Viktor Gyokeres, Martin Zubimendi, Eberechi Eze, Noni Madueke, Cristhian Mosquera, Christian Norgaard, Kepa Arrizabalaga iyo Piero Hincapie.

Ciyaartoyda cusub kama qaadan waqti badan inay la qabsadaan, waxayna si weyn uga caawiyeen kooxda inay hoggaanka u hayso Premier League isla markaana aan laga badin 14 kulan.

Warbixintu waxay sheegayaa in inkasta oo Arsenal aysan qorshaynayn inay soo xero geliso ciyaartoy cusub bisha January, haddana ay diyaar u yihiin inay fasaxaan saddex ciyaaryahan haddii dalabyo ku habboon la soo gudbiyo.

Gabriel Martinelli, Ben White iyo Gabriel Jesus ayaa ah ciyaartoyda laga yaabo inay kooxo cusub raadsadaan bisha January.

Martinelli, oo xagaagii hore xiiso ka helay kooxaha Saudi Pro League, ayaa si deggan ku bilowday xilli-ciyaareedka.
Qandaraaskiisa uu kula jiro Arsenal wuxuu dhacayaa xagaaga soo socda.

Ben White, dhanka kale, ma helin fursad uu ku ciyaaro xilli-ciyaareedkan maadaama uu booskiisa kala wareegay Jurrien Timber.
Warbixinta Mail ayaa ku dartay in Arsenal ay “u furan tahay dalabyada” 28-jirkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga