Miyuu Riccardo Calafiori Diyaar U Noqon Karaa Kulanka Tottenham?

Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay xaalada xiddiga Riccardo Calafiori kaas oo dhaawac uga baxay waajibaadka xulka qarankiisa todobaadkan.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in ay Arsenal tijaabisay xaalada Riccardo Calafiori 24 saac ee uGu dambeeyay si ay u ogaato xaaladiisa dhaawac.

Arsenal ayaa u xaqiijisay Romano in uu xiddigu diyaar u noqon doono kulanka adag ee ay Arsenal la ciyaari doonto Kooxda Tottenham.

Warkan ayaa ah mid farxad u ah Arsenal marka la eego in ay kooxdu dhaawac ku wayday xiddiga Gabriel intii lagu jiray fasaxa xulalka.

Riccardo Calafiori ayaa laf dhabar u ah kooxda Arsenal Iyo daafaceeda waxana ay diyaar ahaanshihiisu noqon doontaa mid muhiim u ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga