Robbie Fowler Oo Shaaciyay Xiddiga Ay Liverool Ka Shalaynayo Iibintiisa

Halyeeyga Liverpool Robbie Fowler ayaa ka cabsi qaba in kooxda Liverpool ay tabayso maqnaanshaha Luis Diaz kadib markii ay xagaagii u iibiyeen Bayern Munich inta lagu jiray suuqa kala iibsiga.

Diaz ayaa Anfield ka tegay kadib saddex sano iyo bar oo uu halkaas joogay, isagoo u saxiixay kooxda Bayern heshiis ku kacaya £65 milyan. Arrintan waxay timid iyadoo Liverpool ay xagaaga sameysay isbeddello waaweyn, waxaana sidoo kale kooxda ka baxay Darwin Nunez, Trent Alexander-Arnold, Harvey Elliot iyo Jarell Quansah.

Liverpool ayaa in ka badan £450 milyan ku kharashgaraysay ciyaartoy cusub, balse dadaalkooda ay ku difaacayeen horyaalka Premier League ayaa durba wajahay dhibaato, iyagoo laga badiyay 5 ka mid ah 11 kulan ee ay ciyaartay ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Saameynta Mohamed Salah oo sii yaraanaysa, oo ay weheliso bilowga gaabiska ah ee Alexander Isak iyo Florian Wirtz, ayaa muujisay dhibaatooyinka weerarka, halka weeraryahankii hore Fowler uu aaminsan yahay in dhibaatooyinkaas badankood ay ka soo bilowdeen bixitaanka Diaz.

Inkastoo Liverpool ay aad u doonaysay inay sii hayso xiddiga reer Colombia oo isagu ku qasbay inuu ka tago, Fowler wuxuu qirtay inuu yaaban yahay “in aan si weyn loo hadal hayn saamaynta maqnaanshaha xiddigu ku yeeshay kooxda.

“Ma aqaan sababta uu u baxay, balse waxay u muuqataa inuu isagu doonayay inuu tago maadaama ay ahayd iib aad u dhaqso badan, Taasi waxay kuu sheegeysaa inuu u badan yahay inuu isaga rabo, laakiin aniga ahaan, wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa Liverpool sanadkii hore,’ ayuu Fowler u sheegay Metro, isagoo u hadlayay Adventure Gamers.

“Sidaas darteed runtii waxaan si dhab ah ula yaabanahay in aan si weyn loo hadal hayn inta ay Liverpool tabtay maqnaanshihiisa”.

“Waayo marka aad eegto Liverpool, gaar ahaan bilowga adag ee ay yeesheen, mararka qaar waxay ku dhibtoodeen inay jebiyaan difaacyada kooxaha”

‘Luis Diaz waa mid ka mid ah ciyaartoyda awooda u leh inuu furfuro difaacyadaas. Sidaas darteed, waxaan u maleynayaa inay si dhab ah u tabeen isaga”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga