Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa magacaabay Arsenal inay tahay “kooxda ugu fiican” horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Wuxuu sidaas sheegay kaddib markii uu daawaday guushii 3-0 ee Manchester City ay ka gaartay Liverpool Axaddii.
Kooxda Pep Guardiola ayaa kor ugu kacday kaalinta labaad, iyagoo ka sarre maray Chelsea kaddib guushaas ay ka gaareen Liverpool, waxaana ay haatan afar dhibcood ka hooseeyaan Arsenal.
Inkasta oo Manchester City ay bandhig fiican samaysay, haddana Carragher wuxuu sheegay inuusan “wax shaki ah ka qabin” in kooxda Mikel Arteta ay tahay tan ugu fiican Ingiriiska.
Difaacii hore ee England ayaa qirtay in Manchester City ay Arsenal ku cadaadin doonto tartanka hanashada horyaalka, maadaama ay hore ugu soo adkaadeen kooxdaas laba jeer oo hore.
Carragher ayaa u sheegay Sky Sports:
“Laba jeer saddexdii sano ee la soo dhaafay, City waxay ka timid gadaal iyagoo qabtay Arsenal.
“Liverpool waa kuwa haysta horyaalka, balse City ayaa si buuxda u garaacday.
“Waxay [Arsenal] laga yaabaa inay dib u xasuustaan labadii jeer ee hore ee ay fursad u heleen hanashada horyaalka.
“Weli waxaan aaminsanahay in Arsenal ay tahay kooxda ugu fiican ee aan ka arkay Premier League xilli ciyaareedkan, shaki la’aan.”
Be the first to comment