Liverpool Oo Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Goolkii Laga Diiday Van Dijk Kulankii Man City.

Liverpool ayaa la xiriirtay hay’adda garsoorayaasha kubadda cagta ee Professional Game Match Officials Limited (PGMOL), si ay uga muujiyaan walaacooda go’aankii lagu diiday goolka Virgil van Dijk kulankii ay la yeesheen Manchester City Axadii.

Kooxda Reds ayaa lagu garaacay 3-0 garoonka Etihad, natiijo taas oo dhaawac weyn u geysatay difaacooda horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa ciyaarta ka dhigtay 1/1 kadib markii Van Dijk madax dhaliyay laakiin goolkaas ayaa la diiday.

Garsooraha calanka ayaa go’aamiyay in Andy Robertson, oo taagnaa meel ka baxsan ciyaarta (offside), uu xannibay aragga goolhayaha Manchester City, Gianluigi Donnarumma.

VAR Michael Oliver ayaa markaas taageeray go’aanka garsooraha garoonka.

Xarunta Premier League ee ciyaaraha ayaa qoraal ku daabacday X (Twitter) iyadoo sheegtay in Robertson “loo arkay inuu sameeyay ficil muuqda oo si toos ah uga horreeyay goolhayaha.”

Warbixin ay baahisay ESPN ayaa sheegtay in Liverpool ay rumaysan tahay in qoraalka sharciga 11-aad (oo ka hadlaya khaladka offside-ka) uu cad yahay, ayna ku doodaan inaysan jirin wax shuruud ah oo la buuxiyay si goolka loo diido.

Kadib markii ay falanqeeyeen dhammaan xagallada muuqaalka ee la heli karo, kooxda Liverpool ma aqbalin in aragga Donnarumma uu si dhab ah uga xannibnaa joogitaanka Robertson.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga