Xiddig 4 ah oo ka tirsan Arsenal ayaa dagaal u galaya sidii ay diyaar ugu noqon lahaayeen kulanka Tottenham ee 23 November.
Arsenal ayaa marti galin doonta Tottenham iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii Sunderland.
Garoonka North London Derby ayaa la ciyaari doonaa 2 todobaad kadib kadib fasaxa caalamiga ah.
Kai Havertz waa mid ka mid ah afar xiddig oo Arsenal ah oo “ku dadaalaya” inay diyaar u noqdaan ciyaarta ay la ciyaarayaan kooxda Tottenham.
Viktor Gyökeres, Martin Ødegaard, iyo Gabriel Martinelli ayaa ah saddexda ciyaaryahan ee kale ee Arsenal ee ku dadaalaya inay diyaar u noqdaan kulanka waqooyiga London (north London derby) ee bishan.
Be the first to comment