Gary Neville Oo Magacaabay Kooxda Kaliya Ee Arsenal Ka Hor Istaagi Karta Premier League.

Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa magacaabay Liverpool inay tahay kooxda ugu awoodda badan ee joojin karta Arsenal xilli ciyaareedkan, halkii uu Manchester City ka dooran lahaa.

Arsenal ayaa haatan hoggaanka u haysa horyaalka Premier League kadib markii ay Sabtidii 2–0 ku garaaceen Burnley.

Waxa xusid Mudan, goolal ay dhaliyeen Viktor Gyökeres iyo Declan Rice ayaa xaqiijiyay in Gunners ay guul ka gaaraan kooxda martida loo ahaa.

“Eeg, Arsenal waxay lumin kartaa horyaalka laga bilaabo hadda,” ayuu Gary Neville u sheegay NBC Sports.

“Laakiin waa kooxda ugu deggan uguna joogtada badan, waxayna dhisayeen heerkan muddo saddex ilaa afar xilli ciyaareed ah”

“Anigu ma aaminsani in Man City ay ku soo noqon doonto heerkii ay horay u joogtay si ay uga daba timaaddo Arsenal. Pep Guardiola waa maskax furan (genius), balse ma hayo ciyaartoy ama koox ku ciyaaraysa heerkii loo baahnaa”

“Liverpool waa kooxda kaliya ee awood u leh inay la tartanto, balse waa inay si degdeg ah dib ugu laabtaan wadadii saxda ahayd.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga