Laba Xiddig Oo Ka Dhaawacmay Arsenal Kulankii Burnley.

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay soo gaareen laba dhaawac kadib guushii 2–0 ee ay ka gaareen Burnley Sabtidii.

Viktor Gyökeres iyo Declan Rice ayaa labaduba dhaliyay goolal qeybtii hore, iyadoo Gunners ay sii wadeen guulahooda Premier League.

Natiijadaas ayaa ragga Arteta u saamaxday inay farqi toddobo dhibcood ah qabtaan hogaanka premier League.

Si kastaba ha ahaatee, guushaas waxay ku timid khasaare dhinaca dhaawacyada ah, maadaama Gyökeres laga saaray ciyaarta intii lagu jiray nasashada qeybta hore, halka Christian Nørgaard uu beddelay Martin Zubimendi qeybta labaad.

“Waxaan qasab ku noqonnay inaan Viktor Gyökeres ka saarno sababtoo ah wuxuu dareemayay xanuun yar oo muruqa ah,” ayuu Arteta u sheegay wariyeyaasha kadib ciyaarta.

“Martin Zubimendi sidoo kale isagaa codsaday in la beddelo, markaa waa inaan sugnaa oo aragnaa xaaladooda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga