Mikel Arteta Oo Sharaxay Sababtii Uu U Saaray Gyokeres

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sharaxay sababta uu Viktor Gyökeres uga saaray ciyaarta intii lagu jiray nasashada qeybta hore ee guushii 2–0 ee ay ka gaareen Burnley Sabtidii.

Gyökeres, oo nasasho loo siiyay ciyaartii Carabao Cup ee ay la yeesheen Brighton bartamihii usbuuca, ayaa lagu beddelay bilowgii qeybta labaad Mikel Merino.

Weeraryahanka reer Sweden ayaa goolka furitaanka ka dhaliyay garoonka Turf Moor isagoo madax ku dhaliyay, waxaana uu ahaa ciyaaryahan si weyn u saameynayay ciyaarta.

Si kastaba ha ahaatee, Arteta ayaa hadda shaaciyay in Gyökeres uu dareemay “dhibaato muruqeed,” isla markaana uu u baahan doono in baaritaanno caafimaad lagu sameeyo.

“Qeybtii hore waxay ahayd mid ka mid ah kulamadii ugu fiicnaa ee uu noo ciyaaray,” ayuu yiri Arteta.

“Wuxuu dareemay wax muruqa ah, sidaas darteed waa inaan sugnaa si aan u ogaanno heerka dhaawaca.”

Wali lama oga in Gyökeres uu diyaar u noqon doono safarka ay Arsenal ku tegi doonto Slavia Prague ee Champions League bartamaha usbuuca.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga