Tababaraha Burnley, Scott Parker, ayaa amaanay Arsenal isagoo ku tilmaamay “koox aad u heer sareysa” kadib guuldarradii 2–0 ee ay kala kulmeen Premier League-ga Sabtidii.
Isagoo la hadlayay saxaafadda kadib ciyaarta, Parker ayaa sheegay in Gunners ay leeyihiin dhammaan waxyaabihii looga baahan yahay koox horyaal noqota.
Viktor Gyökeres iyo Declan Rice ayaa dhaliyay goolashii qeybtii hore, taasoo Arsenal u sahashay inay si fudud guul uga gaarto garoonka Turf Moor.
Waxay sidoo kale ahayd clean sheet-kii toddobaad oo xiriir ah ee Arsenal ay sameyso tartamada oo dhan, taasoo u saamaxday inay farqi toddobo dhibcood ah ku qabtaan hogaanka.
“waa koox aad Iyo aad u fiican”ayuu Parker yidhi.
“Waxay yihiin koox aan aaminsanahay inay haystaan dhammaan waxyaabaha looga baahan yahay si ay horyaalka sanadkan u qaadaan. Dhinac walba oo ciyaartooda ah — difaac, weerar, iyo kubbadaha la dhigo — waa koox heer sare ah, koox aad u sarreysa. Maanta kaliya wax yar ayaan ka hooseynay.”
Be the first to comment