Liverpool Oo Ku Soo Laabatay Wadada Guulayaha Aston Villa Ayay Garaaceen.

Kooxda Liverpool ayaa gaartay guul muhiim ah oo ay 2-0 kaga adkaatay Aston Villa, taasoo ka dhacday tartanka horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa si dhib yar ku dhaaftay caqabaddii Aston Villa, iyadoo guushan ay jebisay silsiladdii guuldarrooyinka oo gaaray afar kulan oo isku xigta oo horyaalka ah.

Goolasha ciyaarta oo ka dhacday garoonka Anfield Road waxaa furay Mohamed Salah daqiiqaddii 45+1.

Goolkaas ayaa yimid kaddib qalad uu sameeyay goolhayaha reer Argentina Emiliano Martínez, waxaana Salah uu kubbadda ku dhaliyay taabasho xeeladaysan oo lugta midig ah.

Xiddiga Ryan Gravenberch ayaa dhaliyay goolka labaad ee Liverpool daqiiqaddii 58-aad ee ciyaarta, kaddib markii uu sameeyay laad xooggan oo beddelay jihada kubbadda ilaa ay shabaqa gashay.

Waxaa xusid mudan in Hugo Ekitike uu hore u dhaliyay gool loo diiday Liverpool qeybtii hore, kadib markii garsooruhu uu go’aamiyay in uu offside ahaa.

Guushaas kadib, Liverpool waxay gaartay 18 dhibcood, taasoo ka dhigtay inay ku jirto booska saddexaad ee miiska Premier League, halka Aston Villa ay fadhido booska 11-aad iyadoo leh 15 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga