TAARIIKH: Arsenal Oo Baal-Dabah Ah Ka Gashay Taariikhda Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah taariikh cusub kaga gashay horyaalka Premier League kadib goolkii uu dhaliyay weeraryahankeeda cusub Viktor Gyökeres kulankii ay la ciyaareen Burnley fiidnimadii Sabtida, taasoo qayb ka ahayd kulamada wareegga 10-aad ee Premier League-ka.

Hoggaamiyaha Premier League-ka ayaa booqasho culus ku tagay kooxda Burnley kulan ay ragga uu hoggaamiyo tababaraha Mikel Arteta doonayeen inay sii wataan silsiladda guulaha si ay u ilaashadaan hoggaanka horyaalka.

Kooxdu waxay durbaba ku guuleysatay inay hesho wadada goolka, iyadoo daqiiqaddii 14-aad ay shabaqa taabteen kooxda martida loo ahaa.

Viktor Gyökeres ayaa ku guuleystay inuu magaciisa ku qoro looxa natiijada kadib markii uu madax ku dhaliyay gool ka dhashay koorno, taasoo uu caawin qurux badan ka helay saaxiibkiis Gabriel.

Goolkan ayaa sabab u noqday in kooxda Arsenal ay gasho taariikhda Premier League, sida ay sheegtay shabakadda tirakoobka kubadda cagta ee Opta ee dalka Britain.

Opta ayaa xaqiijisay in Arsenal ay noqotay kooxda ugu badan ee taariikhda Premier League ee dhalisay goolal ugu badan oo ka yimaadda koorno 10-kii kulan ee ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka, kadib markii tiradoodu gaartay 8 gool.

Waxaa sidoo kale la xusuustaa in Declan Rice uu awood u yeeshay inuu laba jibbaaro hoggaanka Arsenal isagoo dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 35-aad, taasoo ka timid caawin uu bixiyay Leandro Trossard.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga