Arsenal Oo Sii Dheeraystay Hogaanka Premier League Kadib Guushii Burnley.

Kooxda Arsenal ayaa sii ballaarisay hoggaanka horyaalka Premier League kadib markii ay guul ka gaartay kooxda Burnley iyagoo ku garaacay 2–0.

Kooxda Gunners ayaa marti u ahayd Burnley fiidnimadii Sabtida, taasoo qayb ka ahayd kulamada isbuuca 10aad ee horyaalka Ingiriiska.

Viktor Gyökeres ayaa dhaliyay goolka koowaad ee Arsenal daqiiqaddii 14-aad, halka Declan Rice uu goolka labaad ku daray daqiiqaddii 35-aad.

Guushan ayaa ka dhigtay in Arsenal ay yeelato 25 dhibcood, iyadoo ku jirta booska koowaad ee kala sarreynta Premier League, waxaana ay 7 dhibcood ku horreysaa kooxda Bournemouth oo ku jirta kaalinta labaad — inkastoo Bournemouth ay ciyaartay hal kulan oo ka yar.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga