Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Aston Villa.

Macallinka Liverpool Arne Slot ayaa la filayaa inuu dib u helo Ryan Gravenberch oo kasoo kabtay dhaawac, xilli uu ka fiirsanayo ciddii uu ku soo bilaabi doono kulanka ay la leeyihiin Aston Villa.

Gravenberch ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo 19-kii October, kadib markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray guuldarradii 2-1 ee Liverpool ay ku qaabishay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United.

Xiddigaha Alexander Isak Iyo Curtis Jones ayuu shaki ku jiraa kulanka iyaa oo dhaawac ku maqan.

Sidoo kale xiddigaha Alisson Becker, Jeremie Frimpong Iyo Giovanni Leoni ayaa dhamaantood dhaawac ku seegaya kulanka.

Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Aston Villa:

Mamardashvili; Gomez, Konate, Van Dijk, Kerkez; Mac Allister, Szoboszlai; Salah, Wirtz, Gakpo; Ekitike

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga